Wabiga 696x392 1 - Wardeeq news

Fatahaadaan ayaa Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha dhexe  waxaa  saacadihii la soo dhaafay uu ka sameeyay Xaafada Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar, halkaas oo dadkii degana ay isaga barakaceen.

Fatahaada ayaa saameyn ku yeelatay Guryaha iyo Beeraha kuyaal Xafada Hanti-wadaag, waxaana la sheegay in uu baabi’iyay Beero badan oo dalagyo ay ku yaaleen.

Guddoomiyaha Xaafada Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar Cusmaan Xuseen Cumar ayaa ku baaqay in wax  laga qabto fatahaadaha, sidoo kalena loo gurmado dadka Guryahooda ka barakacay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha in dhibaatooyin kala duwan ay ka dhasheen fatahaadaha oo ah kuwo ksuoo lab laabtay xaafadda hanta wadaag.

Magaalada Jowhar iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer fatahaad waxaa kas ameeyay Wabiga, waxaana uu saameeyay Dalagyada Beeraha iyo qoysas Guryahooda deganaa.

Verified by MonsterInsights