Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Diinta
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud
Wararka
Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wadahadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay sheegeen in wadaxaajoodkii uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.   War-saxaafadeed muddo la sugayay oo ay soo saareen Golaha ayaa lagu sheegay in la isku mari waayay qodobo asaasi ah oo la...
  • Wararka

Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud

Farxaan Yuusuf54 minutes ago04 mins

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wadahadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay sheegeen in wadaxaajoodkii uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

 

War-saxaafadeed muddo la sugayay oo ay soo saareen Golaha ayaa lagu sheegay in la isku mari waayay qodobo asaasi ah oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

 

 

Goluhu wuxuu sheegay inuu wadahadalka ku galay niyad wanaag, isaga oo doonayay in xal looga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka sida abaaraha, culaysyada dhaqaale, kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ku xeeran mustaqbalka doorashooyinka.

 

Waxay sidoo kale adkeeyeen inay diyaar u ahaayeen tanaasul kasta oo horseedi kara xasillooni siyaasadeed iyo midnimo qaran.

 

Si kastaba, Golaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay sii waddo wax ka beddel hal dhinac ah oo lagu sameynayo Dastuurka, isla markaana ay cadaadis iyo cabsi gelin ku hayso xildhibaano iyo xubno mucaarad ah. Waxay sheegeen in arrimahaasi ay wiiqeen kalsoonidii wadahadalka.

 

Qodobada ugu waaweyn ee lagu kala aragti duwanaaday ayaa waxaa ka mid ah:

 

Golaha oo ku adkaystay in Dastuurka 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, wax ka beddelkiisuna u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka Dowladda ay ku adkaysatay inay sii waddo isbeddelka.

 

Golaha oo dalbaday in doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah loo qabto si waafaqsan dastuurkooda iyo nidaamka federaalka, halka Dowladda ay doonayso in doorashooyinkaas lagu saleeyo dastuur wax laga beddelay oo hoos yimaada guddiga federaalka.

 

Soo jeedinta Golaha ee ahayd in ka hor 14-ka Abriil la gaaro heshiis siyaasadeed oo cad oo ku saabsan jadwalka iyo hannaanka doorashada Baarlamaanka Federaalka, si loo xaqiijiyo doorasho ku dhacda muddada dastuuriga ah, halka Dowladda ay ku ekaatay talo bixin aan lahayn awood go’aan.

 

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuusan aqbali doonin wax ka beddel dastuur oo hal dhinac ah, doorasho lagu shubto ama muddo kororsi, isagoo sheegay inuu u taagan yahay difaaca dastuurka, nidaamka federaalka iyo doorasho heshiis lagu yahay.

 

Sidoo kale, Golaha ayaa muujiyay inuu weli diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo lagu gaaro heshiis siyaasadeed ka hor dhammaadka muddo xileedyada dastuuriga ah, si looga hortago firaaq dastuuri ah iyo kala qaybsanaan dalka ku timaada.

  • Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Muqdisho Ku Qabtay Kulan Salaan iyo Is-Xog Waraysi ah Ama: Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Kulamo Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho Ama: Farmaajo oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Is-Xog Waraysi iyo Is-Afgarad ah
  • Ukraine waxay qaban doontaa doorashooyin marka xaaladda amnigu saamaxdo oo keliya: Sarkaal sare
  • Deeq-bixiyaha ugu weyn ee Mareykanka oo aan caddayn mustaqbalka UNRWA, isagoo iska fogeynaya inay god madow gelin doonto: Madaxa hay’adda
  • Hal qof ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo Ruushku ka geystay dekedda gobolka Odesa ee Ukraine: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka

Tagged: Golaha

Post navigation

Previous: Socdaalkii Muqdisho Ee Axmed Madoobe Oo Ku Dhammaaday Natiijo La’aan, Kuna Laabtay Kismaayo

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Socdaalkii Muqdisho Ee Axmed Madoobe Oo Ku Dhammaaday Natiijo La’aan, Kuna Laabtay Kismaayo

Farxaan Yuusuf1 hour ago1 hour ago 0

Heliwaa Oo Kacsan Maalinkii Labaad: Shacabka Oo Diidmo Xooggan Ka Muujiyay Dhul-Boobka La Xiriira Xasan Sheekh Maxamuud

Farxaan Yuusuf1 day ago 0

Villa Somalia oo Martigelinaysa Shir Muhiim ah oo u Dhexeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Farxaan Yuusuf2 days ago 0
Verified by MonsterInsights