Friday, May 7, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Xulashada Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Somaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wafdigan oo ka ambabaxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo xubno kale.

Wafdigan ayaa Magaalada Baydhabo u tagay, sidii dadka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed loo gaarsiin lahaa deeq raashiin ah, oo ay Dowladda Federaalka ugu talagashay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen.

Qaybo ka mida gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro la sheegay inay ka dhasheen roob yari, iyadoona labadii xilli roobaad ee ugu dambeysay aanay dalka ka da’in roobabkii la filayay.

RELATED ARTICLES

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka...

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub...

Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey

Jaamac Doolaal oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland oo 11-kii bishii April 2021 ay xukun ku riday Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa...

Facebook Feed

Twitter Feed