Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Diinta
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Waqooyi Bari oo Fariin Culus u Diray Puntland, Xiisad Siyaasadeed oo Cirka Isku Shareertay
Wararka
Waqooyi Bari oo Fariin Culus u Diray Puntland, Xiisad Siyaasadeed oo Cirka Isku Shareertay
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u soo dhoweysay jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan iyo Soohdimaha Qaranka, isla markaana ay u aragto mid waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.   Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in hirgelinta doorashooyin ku qabsooma...
  • Wararka

Waqooyi Bari oo Fariin Culus u Diray Puntland, Xiisad Siyaasadeed oo Cirka Isku Shareertay

Farxaan Yuusuf13 hours ago02 mins

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u soo dhoweysay jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan iyo Soohdimaha Qaranka, isla markaana ay u aragto mid waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

 

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in hirgelinta doorashooyin ku qabsooma jawi nabadgelyo leh, xor ah oo hufan ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo dimuqraadiyadda, xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha hay’adaha qaranka. Sidaas awgeed, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay gacan ka geystaan qabsoomidda doorashooyin ku dhisan nidaamka qaran.

 

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay digniin u dirtay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Puntland ee ku kacaya hadallo ama falal loo arko faragelin ama xadgudub ku saabsan deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iyadoo xustay in arrimaha la xiriira doorashooyinka ay yihiin kuwo u gaar ah hay’adaha sharciyeysan ee loo igmaday fulintooda.

 

Dowladda Waqooyi Bari ayaa ku baaqday wada-shaqeyn, is-ixtiraam, xasillooni iyo ilaalinta midnimada bulshada, si geeddi-socodka doorashooyinku ugu qabsoomo si nabdoon, hufan, isla markaana ay u muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo mas’uuliyad qaran.

  • Socdaalka Xasan Sheekh ee Itoobiya oo Indhaha Lagu Wada Hayo
  • Xasan Sheekh: Sacuudiga iyo Saaxiibadiisa Waxaan Iska Kaashaneynaa Ka Hortagga Qorshaha Israa’iil
  • Ramadaan 2026: Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday Muslimiinta inay arkaan dayaxa bisha Febraayo 17
  • Muqdisho oo Marti-gelisay Kulamo Gaar Gaar ah oo u Dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka

Tagged: Waqooyi Bari

Post navigation

Previous: Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud
Next: Nin ku dilay sarkaal boolis ah qarax ka dhacay saldhig tareen oo ku yaal Moscow

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Wadahadalladii Oo Fashilmay: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Shaaciyay Inuu Soo Afjaray Kulamadii uu La Yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud

Farxaan Yuusuf1 day ago 0

Socdaalkii Muqdisho Ee Axmed Madoobe Oo Ku Dhammaaday Natiijo La’aan, Kuna Laabtay Kismaayo

Farxaan Yuusuf1 day ago1 day ago 0

Heliwaa Oo Kacsan Maalinkii Labaad: Shacabka Oo Diidmo Xooggan Ka Muujiyay Dhul-Boobka La Xiriira Xasan Sheekh Maxamuud

Farxaan Yuusuf2 days ago 0
Verified by MonsterInsights