Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War Cusub Ilaalada Deni oo si aan horey loo arag u hubeysan...

War Cusub Ilaalada Deni oo si aan horey loo arag u hubeysan oo soo gaaray Muqdisho

Galinka Dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Deni halkaas oo la filayo inuu uga qaybgalo wadahadallada madaxda Soomaaliya ee ku aadan xalinta khilaafka ka taagan qabashada doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

Goordhaweyd waxa Muqdisho ka dagtay diyaarad ay la socdeen ilaallada madaxweyne Deni oo horudhac u ah tagistiisa Halkaasi.

Muqdisho waxa horey u joogay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, inkastoo xubno kale ay wali ka maqan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu shir uga furmay teendho ku taalo Afisyooni Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka ka furmayo Afisyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Beesha Caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro heshiis ku saabsan qaabka ah noqoneyso doorashada Soomaaliya.

  

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...