Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War-Dagaal Ka Socda Degaan Katirsan Gobolka Galgaduud

War-Dagaal Ka Socda Degaan Katirsan Gobolka Galgaduud

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Baxdo oo kamid ah degaaanada hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad degaanka ah.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in Al-Shabaab ay dhanka Bari kasoo galeen degaanka, isla markaana Gudaha degaanka ay kula dagaalamayaan maleeshiyaad dadka degaanka ah.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaraya dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah oo Guryaha ugu tagtay rasaasta.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ay ka socdaan diyaar Garoow ku aadan sidii Ciidamada dowladda ugu gurman lahaayeen dadka degaanka Baxdo ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2018-kii mar si Nabad ah kula wareegay degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud walow markii dambe isaga baxeen, waxaana degaankaas uu yahay mid halbowlo u ah Amniga Magaalada Cadaado

Wararka kusoo kordha kala socda wardeeqnews.com

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...