Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War Deg; Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Guri Ku Yaalla Muqdisho

War Deg; Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Guri Ku Yaalla Muqdisho

Dab xoogan oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu Maanta ka kacay Guri ku yaalla waaxda barwaaqo ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed.

Goobjoogayaal la hadlay  wardeeq news ayaa u sheegay in dabkaas uu ahaa mid xoogan oo ka kacay Guri dhismo hore ah oo ku yaalla waaxda barwaaqo, isla markaana waxaa gurmad la sameeyay lagu guuleystay demintiisa.

Xubno ka tirsan Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne ayaa demiyay dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed, waxaana goobta buux dhaafiyay dad farabadan.

Sidoo kale Guriga uu dabka ka kacay ayaa waxaa degnaa dad kalluumeysato ah, iyadoona dabka uu baabi’iyay shabaag lagu soo dabo kalluunka iyo agabyo kale oo kalluumeysatada Isticmaalan, xiliyada ay aadayaan badda.

Ma jiro khasaaro nafeed oo dabkaas uu geystay, waxaana markii hore la sheegay in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay Guriga oo dhismo horey ahaa, iyadoona goobta ay tageen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed