Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War- Deg Deg : Meydadka Dad Shacab ah Oo Lagu Arkay Duleedka...

War- Deg Deg : Meydadka Dad Shacab ah Oo Lagu Arkay Duleedka Muqdisho

wararka aan ka helayno duleedka magaalada muqdisho ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay meyd ka laba qof oo shacab ah lagu arkay xaafad ka tirsan degmada kaxda ee gobolkani banaadir

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan suuqa degmada kaxda ayaa waxa ay  wardeeq news u sheegeen in saakay aroorti dadka deegaanku ay kusoo tooseen meydka laba qof oo dhalinyaro ah kuwaasi oo wadada yaala

mid kamid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu inoo sheegay in meyd labadaan wiil ee dhalinyarada ah aan la aqoon cida dishay sidooakle waxa uu sheegay in jirkooda uu ka muuqdo rasas farabadan oo lagu dhftay

waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hada la qaadin meydka dhalinyaradaani islamarkaasna ay dad deegaanku iskugu soo bexeen dhacdadaan oo cabsi iyo walwal badan ku abuurtay

laamaha amniga dowladda ayaana la sheegay in la filayo in goordhaw ay gaaraan goobtaasi oo ay halkaasi kasoo qaadaan meydka laba qof oo dhilinyaro ah kuwaasi oo la tilmamay in meydkooda lasoo dhigay degmada kaxda

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...