Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka War;- Deg Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Ceelwaaq

War;- Deg Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Ceelwaaq

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil diyaaradeed oo saaka aroortii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad sidday rakaab, isla-markaana ka timid  Nairobi inay ku dhacday garoonkaasi, xilli ay ku sii jeeday degmada Elwak ee ismaamulka Mandera.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa wardeeq news u sheegay in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof, kuwaas oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay shilkaasi.

Garoonka ay diyaaradda ku dhacday ee ku yaal Ceelwaaq ayaa la sheegay in uu xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duulaha ayaa ka dajiyey diyaaradda, kadib cilad ku timid

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kuwa gobolka ay ka bixiyeen shilkaasi diyaaradeed.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed