Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka War Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

War Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago meelaha fog-fog oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada waddooyinka ee Taraafikada, xili ay socdaal ku marayeen wadada aada Daarusalaam.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay  4 Askari, kuwaasi oo si deg deg ah loo gaarsiiyay Xarun caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sida caadada aheyd xiray goobta, wallow markii dambe baaritaan kadib ay fureen.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay wadada aada deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana horey wadadaas uga dhacay qaraxyo.

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed