Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararka Aan Kaa Heleyno Deegaan Lagu Magacaabo Cadakibir Oo Al-Shabaab Qabsaday

Wararka Aan Kaa Heleyno Deegaan Lagu Magacaabo Cadakibir Oo Al-Shabaab Qabsaday

deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo qiyaastii 40-KM koonfur – bari ka xiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in gabal dhicii  galabta ay weerar kula wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa wardeeqnews  u sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen ciidamo tiro yar oo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo Cadakibir ku sugnaa.

Wararka aan ka helnay dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in ciidamada Galmudug laga qabsaday Cadakibir, isla markaana ay u carareen dhanka deegaanka Godinlabe oo dhaca inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee wasaaradda amiga Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ay iska caabiyeen weerar ay galabta ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare xooggan dagaalamaashii soo qaaday weerarka kala laabteen halkaas.

“Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ay baahisay wasaaradda amniga Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaanada hoostaga ka soconaya.”

Al-Shabaab ayaa weerarro adag bilihii u dambeeyey kala kulmay ciidanka Qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana gacantooda ka baxay inta badan gobolka Mudug, balse waxay ku xoogan yihiin deegaano badan iyo degmooyin dhaca bariga gobolka Galgaguud ee Galmudug.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...