Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaalyahan ka tirsan...

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen

kolonyo uu la socday siku duwaha ciidanka Koonfur Galbeed ee degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa ino sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhabah u galeen sarkaalkaasi iyo ciidanka la socday, iyadoo labada dhinac uu dhex-maray dagaal toos ah.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Yuusuf Shig-shigow oo ahaa isku duwihii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ka howl-gala degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada maamulkaasi & kan degmada oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku aada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...