Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Saraakiil Ka Tirsan CXD Iyo AFRICOM Oo Ka Shiray La Dagaalanka Al-Shabaab

Saraakiil Ka Tirsan CXD Iyo AFRICOM Oo Ka Shiray La Dagaalanka Al-Shabaab

Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa Maanta gaaray degmada Doolow ee Gobolka Koonfurta Soomaaliya, iyagoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Wafdigan oo isugu jiray Saraakiil, qabiiro iyo xubno kale ayaa waxa Garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaas.

Saraakiisha ka socotay Taliska AFRICOM ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo, iyagoona ka wada hadlay sidii howlgal ka dhan ah Al-shabaab looga bilaabi lahaa deegaanada ay Gobolkaas kaga sugan yihiin.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in howlgalka oo ay ka qaadan doonaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa AFRICOM lagu furi doono waddooyinka Magaalooyinka Gedo oo ay Go’doomiyeen Shabaabka.

Si kastaba Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhowr jeer Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ugu dhawaaqday howlgalo ka dhan dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo geystay khasaaro oo dhexmaray labada dhinac.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed