Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol

Dagaalka u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu-Sunna ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Bohol ee waqooyiga ka xiga magaalada Dhuusomareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in xaaladda degaanka ay tahay mid degan, hayeeshee dagaalka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo kor u dhaafaya 20 Ruux.

Ma jiraan wax waanwaan ah oo labada dhinac laga dhex-wado, hasa ahaatee dhinacyada ayaa iskood ugu kala tagay deegaanka Bohol, waxaana suurta-gal ah inay markale isku laabtaan maadaama ay weli is hor-fadhiyaan.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabul dagaal.

Si kastaba, soo laabashada culimada ayaa abuurtay xaalad kadib markii ay deegaanka Huurshe kaga dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab balse Galmudug u aragtay inay kusoo wajahan yihiin Magaalooyinkii ay horay uga qabsatay ee Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Taliska booliska Galmudug ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku faray ciidamo la sheegay inay ku biireen Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka tirsaana qaybaha ciidamada dowladda ee ku sugan Galmudug, inay ka laabtaan.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...