Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho



Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Nin isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay Saldhigga Booliska ee Degmada Waaberi, iyadoona qaraxaasi uu dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane, Taliye Kuxigeenkii Qaybta Booliska Waliyow Cadde, G/dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cagey iyo tiro askar ah oo saldhiggaasi ka hawlgeli jirtay. Sidoo kale tiro kale oo ku dhaawacantay qaraxaasi ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ismiidaamiyaha uu Taliyaha Saldhigga Waaberi iyo Saraakiisha kaleba uu ku beegsaday, xilli ay fadhiyeen bannaanka hore ee saldhiggaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in lix qof ku dhimatay qaraxaasi, lix kalena ay ku dhaawacantay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaase si dhow loola xiriirinaya  Ururka Al Shabaab.

Waa ismiidaamintii ugu horeysay ee ka dhacdo Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu wareejiyay amniga guud ee dalka.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...