Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararkii ugu dambeeyay Midowga Musharixiinta oo kulamadooda War kasoo saaraya

Wararkii ugu dambeeyay Midowga Musharixiinta oo kulamadooda War kasoo saaraya

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku leeyihiin Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulankooda uga hadlayo xaalada dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Kulanka oo furmay Sabtidii todobaadkaan ayaa waxaa ay sigaar ah uga hadlayaan walaaca iyo walwalka ay ka qabaan doorashada labada aqal iyo qaabka ay Madaxda Dowlad Goboleedyada u maareeynayaan iyo hufnaan la’aanta ka muuqata doorashooyinkii Aqalka Sare.

Shalay ayaa Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay Warbixin ka dhageysteen gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Heer Federaal, iyaga oo kala hadlay sidii doorashada Golaha Shacabka ay u noqon laheyd mid  ku dhacda si xur iyo xalaad ah.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Midowga Musharixiinta ay soo geba-gabeeyaan kulankoda, iyaga oo soo saari doona war-saxaafadeed ay ku cadeeynayaan mowqifkooda doorashooyinka Aqalka sare ee billowday iyo qabsoomida doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa la filayaa inayay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan Ra’iisul Wasaare rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada & Wakiilada Beesha Caalamka.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...