Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Guriceel

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Guriceel

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa hareereeyay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo 1-adii bishaan ay la wareegeen ciidamo hubeysan oo kasocda maamulkii Ahlusunnna ee horay uga talin jiray Guriceel.

Ciidanka dowladda ayaa hadda ku sugan dhammaan Kontoroolada laga soo galo Magaalada Guriceel gaar ahaan kuwo xigga dhanka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Ahlusunna ayaa ku sugan gudaha Magaalada halkaasi oo ay ka qoteen dhufeysyo waa weyn sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Xiisad dagaal ayaa Saaka ka taagan magaalada, iyadoo ciidanka Ahlusunna ay sheegeen in wali ay gacanta ku hayaan Saldhigga magaalada ayna kusii sugnaan doonaan.

Maamulka Galmudug ayaa wacad ku maray in uu gacanta maamulka uu kusoo celin doono degmada Guriceel oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa xalay si nabad ah kula wareegay dugsiga tababarka Ciidamada Har-qaboobe oo duleedka ka ah Guriceel iyo koontaroolka bari ee Magaalo oo ay ka galaan gaadiidka dhanka Dhuusamareeb kataga.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...