Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen gobolka Galgaduud.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa salka ku haya xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dhowaan la wareegtay magaalada Guriceel ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo waata gaadiidka dagaalka ay saaka ka baxeen Dhuusamareeb, iyaga oo ku biiray ciidamada jeeda ku sugaan Ceeldheere.
Ahlu Sunna ayaa dhankeeda abaabul culus ka wada Guriceel, waxaana dhinaca kale lagu soo warramayaa inuu barakac xoogan ka billowday gudaha magaaladaasi.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac, kuna aadan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.