Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay xalay la wareegeen xarunta maamulka ciidamo la magac baxay bad-baadada Hiiraan.

Ciidamadan ayaa ka tirsan guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Dalka, waxayna u abaabulan yihiin hab beeleed, iyada oo uu hoggaaminayo Korneyl Cabdullaahi Cilmi Barre oo dhawaan laga qaaday xilka abaanduulaha ee guutadaasi.

Banaanbaxyo ayaa sidoo kale ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada, kuwaas oo looga soo horjeeday safarka la filayo inuu halkaasi ku tego madaxweynaha HirShabelle.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in saaka ay socdaan dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisaddaas.

Beledweyn ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed