Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wareysi: Sheekh Mukhtaar Roobow oo arrimo xasaasi ah shaaca ka qaaday (Dhageyso)

Wareysi: Sheekh Mukhtaar Roobow oo arrimo xasaasi ah shaaca ka qaaday (Dhageyso)

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo wareysi siiyey Idaacadda VOA isagoo xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay nolosha uu ku jiro iyo haddii ay jiraan wax iska badalay mowqifkiisa.

Roobow oo isaga lasoo xiriiray VOA ayaa sababta ku sheegay inuu ku jiro xaalad adag islamarkaana uu go’aansaday inuu dadka la wadaago xaaladiisa inta uusan dhiman.

Mukhtaar Roobow oo horey usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa walwal weyn ka muujiyey badqadka noloshiisa, wuxuuna ciidamada ilaaliyo guriga lagu xiray uu ku sheegay inuu yihiin maleeshiyo beeleed.

“Amnigayga mar xaalado kala duwan ayuu soo maray, balse waxaa mar walba gacanta ku hayey ciidamada Waran. Hadda kuma dhihi karo ammaankeyga iyo nolosheyda way sugan yihiin,” ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey.

Mar wax laga waydiiyey sida ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ilaaliyo guriga lagu xiray u noqdeen ciidamo beeleed ayuu sheegay in ciidamada ilaaliya laga soo kala xulay seddex magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ka tirsan maamulka Galmudug, wuxuuna xusay inay mar isku dagaaleen gudaha gurigiisa markii dambana laga soo badalay.

Roobow ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu mar kale ku celiyey inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada ahaa ee Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida, wuxuuna xusay in uu nabad wax ku raadinayo haddii aan la qasbin.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...