Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Caafimaad-ka Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19



Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 181  Ruux, Puntland 37 qof,  Banaadir 13 Ruux , Hirshabeelle: 9, Koonfur Galbeed: 4 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay  3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  155 Rag ah iyo 92 Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 24 Ruux, iyada oo ay ka bogsadeen 143 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,368, xaaladood 745 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,152, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...