Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Caafimaad-ka Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas hor leh Caabuqa Covid19

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas hor leh Caabuqa Covid19

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ugu dambaysay.

Warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyey in xanuunka laga baaray 1,244 oo qof, waxaana laga helay 77 ka mid ah.

Dadkan laga helay xanuunka ayaa kala jooga Banaadir 43, Puntland 28 iyo Somaliland oo laga diiwaan geliyey 6-kiis.

40 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 37 ay dumar yihiin, sidoo kale 30 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka, halka 3-qofna ay ugu geeriyoodeen gobolka Banaadir.

Tirada Guud ee Laga Helay: 15,865. Bogsashada Guud: 7,759. Dhimashada Guud: 850 qof.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...