Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Wasiir Duraan "Qaadku qayb kama ahan duulimaadyada Somaliya iyo Kenya"

Wasiir Duraan “Qaadku qayb kama ahan duulimaadyada Somaliya iyo Kenya”

Iyadoo Axaddii shalay ay dib u bilowdeen duulimaadyadii Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayuu Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Duraan Axmed Faarax sheegay inaanay duulimaadyadaasi qayb ka ahayn kuwa qaadka keena.

Dowladda Kenya ayaa Khamiistii dib u fasaxday duulimaadyadii labada dal, ka dib markii ay joojisay bishii May, sababo aanay sheegin awgood.

Wasiir Duraan ayaa marka hore yiri “Kolba sidaad la socoteen illaa iyo bishii May aanu soo dhaafnay bilowgeeda ayay Dowladda Kenya soo saartay digniin ay leedahay waxaan joojinay oo mamnuucnay dhammaan diyaaradaha isaga kala imaan jiray Somaliya iyo Kenya ama dhinacee doontaba hama yimaadaan. Marka muddadaasi illaa iyo bisha ku siman ayay xanibnaayeen isu socodkii hawada ee labada dal, haddana markii dambe inta ay garowsadeen ayay ka noqdeen howshii ay ayaga markii horeba mamnuuceen.”

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada labada dal, haddii ay culeyso ka dhasheen muddadii ay hakadka ku jireen.

“Ka Hay’ad Duulista Somaliya ahaan aad baanu u soo dhoweynaynaa runtii, maxaa dhacay waa wax dhib ku ahaa labada wadan iyo shacab-ba inaysan kala maarmin, laba wadan oo deris ah oo isku gudbeynin dhibkeeda iyo culeyskeeda ayay leedahay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Duraan Axmed Faaraax, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya ayaa sheegaya duulimaadyada la fasaxay inaanay ka mid ahayn kuwii qaadka ka keeni jiray dalkaasi Kenya.

“Diyaaradaha iyo isu socodka dadka maahee qaadka iyo howlahiisa iyo ganacsigiisa labada dowladood ayaa u baahan inay ka wadahadlaan.” Ayuu yiri Wasiir Duraan oo u waramay BBC.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Duulimaadyada qaadku ka mid maaha diyaaradaha hadda isu soconayo ee la furay.”

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed