Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wasiir; Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaari iyo lacag u dhiibtay Barkhad+

Wasiir; Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaari iyo lacag u dhiibtay Barkhad+

Sida ay wardeeq news u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaari nuuca raaxada ah u dhiibtay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mid noqday Golaha Wakiilada ee Somaliland. 

Xildhibaan Barkhad ayaa gaarigiisa iibiyay intii uu socday olalahiisa doorashada, isaga oo lacagtii kasoo baxday siiyey shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu codeeyay 31-kii May, gaar ahaan haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay Xildhibaan Barkhad u dirtay lacag ka badan 15 kun oo dollar si uu isaga bixiyo lacag deyn ah oo ku baxday olalahiisa doorashada. 

Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ay isku beel yihiin Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa Muqdisho dhowr jeer ku qabatay xaflado ay ugu dabaal dageyso guusha Xildhibaan Barqad. 

Khadiija iyo Barqad ayaa labaduba kasoo jeeda beelaha ay Soomaalida takoorto, waxaana guusha Barkhad aad usoo dhoweeyey Soomaali badan oo rumeysan in dadku wada siman yihiin.

Si kastaba, lacagta ay Muqdisho ku dirtay Wasiir Khadiijo ayaa ku soo aaday iyadoo ay dhibaatooyin badan wajahayaan dad badan oo ka barakacay fatahaada Wabiga Shabelle ee magaalada Jowhar, oo ah magaalada ay kasoo jeedo.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...