Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka WASIIR SHAQADIISII KU WAAYAY CUDURKA HALISTA AH EE COVID-19 DARTIIS

WASIIR SHAQADIISII KU WAAYAY CUDURKA HALISTA AH EE COVID-19 DARTIIS

Wasiirka caafimaadka ee dalka Tunuusiya Faouzi Mehdi ayaa shaqada laga ceyriyay iyadoo wadanku uu la daalaa dhaceyo la tacaalidda tirada sii kordheysa ee kiisaska fayrska karona.

Korarka kiisaska ayaa qasbay inay gabaabsi noqdaan adegyadii caafimaadka waxaana jira oksijiin yari ka jirta isbitaalada ku yaalla dhowr gobol oo dalkaas ka tirsan . Horraantii bishaan afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ayaa xaaladda ku tilmaamay “musiibo”.

La-taliye ka tirsan wasaaradda caafimaadka ahna madaxa xarunta tallaalka Palais des Congrès ee Tunuusiya, Rafla Tej Dellagi, ayaa sheegtay in xaaladdu dalka ee cudurka ay marayso meel halis ah .

“Uma maleynayo inaan gaarnay heerkii ugu sarreeyay haddana nidaamka caafimaad ee dalka wuxuu ku jiraa xaalad khatar ah: kaliya ma ahan inaan gaarnay qiyaastii 200 dhimasho ah maalin kasta … balse sidoo kale adeegyada daryeelka bukaannada, isbitaallada la dhigo, sariiraha oksijiinta ayaa xilligan sarreeya” ayay tiri Rafla Tej.

Waxay sheegtay in Tunuusiya ay u baahan tahay inay si dhab ah u xoojiso barnaamijkeeda talaalka si looga hortago faafida cudurka

RELATED ARTICLES

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Twitter Feed