Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wasiir Xundubey "Dowladda Federaalka weerar kuma ahan Saadaq Joon"

Wasiir Xundubey “Dowladda Federaalka weerar kuma ahan Saadaq Joon”



Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Jimcaale Xundubey ayaa sheegay inaanay Dowladda Federaalka weerar ku ahayn xaafadda Shirkoole ee Degmada Hodan, halkaasoo uu gelinkii dambe ee Jimcihii dib ugu laabtay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Wasiirka oo goor dambe oo xalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay inaanay Dowladda Federaalka qorsheyneyn weerar ay ninkaasi ku qaaddo, sababtuna ay tahay xaafadaasi oo ay degan yihiin bulsho nabdoon, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa tibaaxay haddii ay dowladdu dooneyso inay ninkaasi tallaabo ka qaaddo, ay ka qaadi laheyd maalintii uu is hortaagga ku sameeyay kulankii Xildhibanaada Golaha Shacabka ku ansixiyeen Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka.

“Dowladda haddii ay rabto inay tallaabo ka qaaddo, saacadihii ugu horeysay ayay tallaabo ka qaadi kartay, laakiin lama qorsheyn in ninkaas arrintiisa wax tallaabo ah laga qaado. Hadda oo ay ka soo wareegatay maalmo badan wax dan ah oo ku jira dowladda uma aragto in haba yaraatee meesha uu hadda degan yahay, oo xaafado bulsho nabdoon ay degan yihiin in la weeraro wax dan ah oo ku jira ma jiraan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dad uu sheegay inay arrintaasi buun-buuninayaan inay joojiyaan, isla-markaana ay ogaadeen inaanay dowladdu u qorsheysneyn weerar lagu qaado Saadaq Joon, sida uu yiri.

Wasiir Xundubey ayaan soo hadalqaadin arrinta dareenka dadweynaha kicisay, ee ah ciidamada badan ee dowladdo soo dhoobtay wadooyinka gala xaafadaasi, ka dib markii uu Saadaq Joon dib ugu laabtay.

Saadaq Joon ayaa dareen ka muujiyay ciidanka faraha badan ee Dowladda Federaalka soo dhigtay aagga Garoonka Aadan Cadde, taasoo ku khasabtay inuu dib ugu laabto xaafaddii laba habeen ka hor wadahadalada looga soo celiyay.

Hadalka Wasiir Xundubey ayaa ku soo aadaya saacado yar uun ka dib, markii Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan ay ku baaqeen in leeska difaaco weerar ay dowladdu ku tahay beel gaar ah.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...