Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo kulan deg deg ah yeelanaya

Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo kulan deg deg ah yeelanaya

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in Maanta  oo Talaado ah Shir Degdeg ku yeeshaan Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Hadal ka soo baxay Golaha Ururka Jaamacadda Carabta dhawaan ayaa lagu shaaciyey in kulankan dib loogu eegi doono Dhacdooyinka u dambeeyey ee laga walaacsan yahay ee arrinta Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki oo la hadlay Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA waxa uu tilmaamay in Kulankaasi oo Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ah uu yimid, kadib, Codsi ka yimid Dowladaha Masar iyo Sudan oo iyagu ka walaacsan inuu Biyo-xireenka Itoobiya saamayn xooggan ku yeelan doono Saamiga Biyaha ee ay ka heli jireen Webiga Nile.

Masar iyo Sudan waxay muddo dheer ka walaacsanayeen Saamiga Biyaha ay helaan, kadib, markii ay Itoobiya bilowday inay Biyo-xireen ka dhistaan Niilka Buluga ah bishii May ee sanadkii 2011-kii.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed