Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Wasiirka Amniga oo sheegay in dowladdu aqbashay xabad joojin

Wasiirka Amniga oo sheegay in dowladdu aqbashay xabad joojin

Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka aqbashay dadaaladii ay garwadeenka ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ee xiisadda lagu qaboojinayay.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba ay la kulmeen odayaal iyo siyaasiyiin u istaagay in laga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

“Waan is aragnay waxgarad badan oo siyaasiyiin iyo dhaqan isugu jira, waxay noo dhiibeen farriin nabadeed, oo ay noo sheegeen cadowga bannaanka maahee aysan ogoleyn wax dagaala oo bulshada dhexdeeda ka dhaca, farriintaasna waan qaadanay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay wardeeq news.

Wasiir Xundubey ayaa yiri “Waxay kaloo la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh, wayna nagu soo warceliyeen, waxayna noo sheegeen in xabaddii la joojinayo oo nabad lagu dhameynayo wax kasta oo wadahadal furan yahay. Wixii siyaasad ahoo leesku haysto dib looga wadahadlo, laakiin marka hore in nabadda la wada qaato.”

Dhanka kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inuu la soo xiriiray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, isagoo wada farriin nabadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu soo dhaweeyay baaqa Ra’iisal Wasaaraha, haddiiba uu xakameyn karo Ciidamada Dowladda.

“Mar dhexe ayuu Ra’iisal Wasaaraha ila hadlay, oo uu ii sheegay in uu rabo in la joojiyo dagaalka.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo intaa ku daray “Haddii aad ciidanka wax ka qaban karto, joojin-na karto oo awoodii aad leedahay soo dhawoow, intaas ayaa na dhex martay.”

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta degan, ka dib dagaalkii gelinkii dambe ee shalay illaa xalay ka socday qaybo ka mida magaalada.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed