Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wasiirka Amniga” Weli waxaa jira Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembi”

Wasiirka Amniga” Weli waxaa jira Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembi”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in xalay ilaa saaka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu isku dayay in uu dalka ka sameeyo afgmbi balse uu dhicisoobay.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in Ciidamo sigaar ah uga amar qaata Farmaajo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha & qeyb kamid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada bals nasiib wanaag tallaabadaas ay ka horyimaadeen qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada iyo qeybo kale oo kamid ah Ciidamada uu dhicisoobay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay weli jiraan Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembiga oo garan la’ in uu waaga ku baryay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo, wuxuuna ugu baaqay Ciidamada inay difaacaan dowladnimada ayna ilaaliyaan hantida Suacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku lug laheyd Afgambiga dhicisoobay.

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...