Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sababtii Loo Joojiyay Lacagihii

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sababtii Loo Joojiyay Lacagihii

Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyla ayaa beeniyay in khilaafyadii siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ay sabab u yihiin, hakinta lacago caalamku ku kabi jiray miisaaniyadda dalka.Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay sababta Soomaaliya looga joojiyay kabkaas miisaaniyadeed in ay tahay, si looga hortago in dhaqalahaas loo adeegsado siyaabo kale oo dalka u horseedi bara dhibaato iyo burbur.

“Baananka iyo waddanada naga taageera kabista miisaaniyadeena, waxay leeyihiin sharuuc ah, in lix bilood ka hor doorashada ay joojiyaan kabista miisaaniyada. Anaga kaliya ma ahan, dalka walba oo ay miisaaniyadooda kabaan ayaa sidaas ah. Waxay ka cabsadaan in lacagtaas aysan shacabka gaarin ama dhibaato kale horseedo,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in Soomaaliya kabistaas miisaaniyadeed laga hakiyay lix bilood ka hor xilligii doorashadu qabsoomi lahayd, isagoo tilmaamay in dib loosoo celin doono marka dowlad cusub ay timaado.

Dhaqaalaha lagu Kabo miisaaniyadda dalka oo ay Soomaaliya ka heli jirtay bankiga horumarinta Afrika, bankiga adduunka, hay’adda lacagta iyo dalal reer Yurub ah, ayay dowladdu ku bixin jirtay kabista mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo raashinkooda.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed