Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somalia oo maanta ku geeriyooday Muqdisho

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somalia oo maanta ku geeriyooday Muqdisho



Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haatanna ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Geerida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa waxaa wardeeq news u xaqiijiyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qoraal kasoo baxay golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday xildhibaanka.

Qoraalka Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan xillibaanada Golaha iyo guud ahaan shacbiga soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Oo Goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxaana gaar ahaan uu ugu tacsiyeeyay ehelada iyo qoyska marxuum xildhibaanka.”

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ahaa rugcadaa in badan qarankaan u soo shaqeeyay soona qabtay xilal kala duwan.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa soo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilligii xukuumaddii kumeel gaarka aheyd ee uu Ra’isul wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004.

2015 ayaa waxaa sidoo kale xilka Wasiirka Gaadiidka u magacaabay Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale waxa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...