maxresdefault 2 620x330 1 - Wardeeq news

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sii daayay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed oo saacado u xirnaa.

Ciidamadda amaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa C/rashiid C/laahi kala baxay Hoteel ku yaala Magaaladda Baydhabo,wuxuuna u xirnaa saacado.

C/rashiid oo qaraabo la ah Mukhtaar Roobow oo dowladda Federaalka u xiran ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah Maamulka Madaxweyne Lafta Gareen dhowr jeer dhaliilo u jeediyay.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa u sharaxan kursi kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yaala Magaaladda Baydhabo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo arinta xariga Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Verified by MonsterInsights