Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Waxaa laga codsaday Somaliland inay qaabilaan qaxootiga Reer Afgansitan

Waxaa laga codsaday Somaliland inay qaabilaan qaxootiga Reer Afgansitan

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ahna kusimaha Wasiirka liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in Somaliland ay kamid noqotay kuwa laga codsaday inay qaabilaan Qaxootiga Reer Afgansitaan oo dalkooda uga soo cararaya Kooxda Taalibaan ee la wareegtay.

Waxaa uu sheegay in Somaliland aysan weli heshiis rasmi ah arrintaasi ka gaarin, hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo ay ka codsadeen si dadkaasi ay yimaadaan degaannada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland liibaan Yuusuf Cismaan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Somaliland ay ka fiirsaneyso qaabilada qaxootiga Reer Afgaanistaan maadaama ay kaga imaan karaan qataro dhanka Amniga ah.

Warkaan kasoo yeeray Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dad ka cararaya dalka Afganistan oo ay la wareegtay Kooxda Taalibaan ay qaabilaad ka heleen wadamo dhowr ah, sida Mareylanka, Ingiriiska, Uganda iyo wadamo kale.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...