Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Waxaa Maanta La Aasay Meydka Agaasimihii Radio Muqdisho  Wariye Cabdicasiis Afrika

Waxaa Maanta La Aasay Meydka Agaasimihii Radio Muqdisho  Wariye Cabdicasiis Afrika

Waxaa Maanta Khabuuraha Isbitaalka xoogga dalka ee Magaalada Muqdisho lagu Aasay Alle ha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo xalay lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa salaadda Janaazada kula tukaday masjidka Shuhadada ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin, Madaxda Warbaahinta iyo inta badan Wariyeyaasha ka howlgalla Caasimadda.

Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah Ehellada Marxuum Cabdi Casiis Afrika ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay, isaga oo sheegay in uu ahaa Nin howlkar ah oo Qaranka si wanaagsan ugu soo Shaqeeyay.

Sidoo kale Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in Al-Shabaab qofkasta uu dil ugu xukuman yahay, isla markaana Al-Shabaab kaliya ay tahay in la iska celiyo ama sida Afrika ay dadka u qarxinayaan’.

Dhamaan Madaxdii iyo Bahda Saxaafadda ee ka qeyb galay Aaska Marxuum  abdi Casiis Afrika ayaa waxaa ay u tacsiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.

Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howlgalayay Warbaahinta dowladda, waxaana uu caan ku ahaa Barnaamijka Guungaar oo lagu wareysan jiray ragga kasoo goosta Al-Shabaab.

     

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...