Shirka oo labalaariyay islamarkaasna ay ka qeyb galeen xubno kala duwan oo aan aheyn madaxda dowladda iyo Maamulka goboleedyada ayaa wali wax is fahan ah oo buuran laga gaarin.
Madaxweynayaasha Maamul goboleedyda ayaa la kala saftay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kadib doodii adkeeyd ee Shirka loogana hadlayay dhameystirka Doorashada
Warar hoose oo ay heshay idaacada wardeeq ayaa sheegaya in qodobada qaar ee shirka laisku mari la,ayahay Kuwaas oo ay ka mid tahay arinta amniga.
Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo kan jubbaland ayaa soo jeediyay in amniga guud ee dalka iyo doorashada ay ku taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha ay kala xisaabtamayaan.
Halka Madaxweynaha koonfur iyo kan Galmudug ay soo jeediyeen in amniga doorashada uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaaruha
iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Rooble si cad u sheegay in amniga guud ee dalka oo musharax gacanta ugu jirta uu sheegay in aan lagala xisaabtami karin amniga doorashada taasi oo uu ula jeeday in Madaxweyne Farmaajo oo amniga guud heysta uusan amni doorasho maamulked waxba aheyn.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha Hirshabeele iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka gaabsadeen arinta amniga iyo cida masuuloyadeeda qaadeysa.
Sikale marka la fiirayo qodobada qaar ayay Goluhu isku fahmeen
Waxaana la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro War murtiyeed kaas oo haatan la sheegayo in ku dhawaaqistiisa ay ka harsantahay in laisku fahmo qodobada qaar ee muranku ka jiro