Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Waxaa Maanta Shirweyne Looga Hadlayo Arrimaha Amniga Oo Ka Dhacaya Laascaanood

Waxaa Maanta Shirweyne Looga Hadlayo Arrimaha Amniga Oo Ka Dhacaya Laascaanood

Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool maanta ka furmaya shirweyne ku saabsan amniga magaaladaas, kaas oo ay ka qeyb-galayaan bulshada deegaanka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa ku baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gobolka Sool, iyada oo diiradda lagu saarayo falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaasi.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in shirkani aysan ka qayb-geli doonin cid ka socota mas’uuliyiinta Somaliland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed