Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Dilal Kala Duwan Loogu Gaystay...

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Dilal Kala Duwan Loogu Gaystay Wiilal Dhalinyaro Ah

kuwaasi oo la sheegay in ay dilal kooda ka dambeeyeeyn Burcad hubeysan, waxaa ksoo baxaya Faah faahhino dheeraad ah oo ku aaddan dilalka xalay loo gaystay Wiilashaasi dhallinyarada ah

 

Dilka 1aad ayaa loo gaystay Wiil dhallinyaro ah oo Magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin, waxaana lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, iyadoo wararku ay sheegayaan in dilka uu gaystay Nin Askari ah kaasi oo tooogtay Wiilka, waxaana wararku intaasi ku daraayaan in goobta uu isaga baxsaday goobta.

Dhanka kale Dabley hubeysan ayaa Xalay fiidkii Wiil dhalinyaro ah waxaa ay ku dileen xaafadda Hanta Dheer, waxaana wiilka la dilay lagu magacaabi jiray Jibriil Aadan Cabdulle, kaasi oo ka mid ahaa sida la sheegay dhallinyarada Xaafaddaasi, waxaana wararku intaas ku darayaan in kooxda hubeysan ay dilka kadib marxuumka ka qaateen taleefonkiisa gacanta, iyagoo goobta isaga baxsaday dilka ka dib.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha ammaanka ee Gobolkani Banaadir oo ay kaga hadleen dilalka xalay Muqdisho siyaabaha kala duwan kaga dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan in maydkii la geeyay Xarunta Hay’adda dambi-baarista CID-da.

Inta badan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo loo gaysto dhalinyarada, waxaana sidoo kale Bilihii lasoo dhaafay Magaalada kusoo badanyay dhaca Taleefannnada gacanta oo ay dadka shacabka ah u gaystaan Buracd hubaysan, kuwaasi oo dhac iyo dilal Bareer ah u gaysta bulshada Caasiamdda ku nool.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed