Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Waxtarka cajiibka ah ee ay leeyihiin miraha babaayga

Waxtarka cajiibka ah ee ay leeyihiin miraha babaayga

Ma ku dhacdaa inaad cunto miraha babaayga? 

Halkan waxaan ku eegi doonnaa afar faa’iido oo laga helo miraha uu qof walba iska daadiyo, kuwaasoo layaab ku noqonaya dadka qaarkood.

Balse waxaysan ka warqabin in ay yihiin kuwo kaligood loo adeegsan karo cunto ahaan, nafaqo gaar ahna wata.

Hase yeeshee waxaa kale oo jira dhibaatooyin ay suuragal tahay in laga dhaxlo, loona baahan yahay in laga fakaro ka hor inta aan lagu dhaqaaqin cunistooda.

Faa’iidooyinka

Marka laga soo tago nafaqo ahaan, miraha babaayga waxay wataan waxtar dhanka caafimaadka ah.

*  Waxay la dagaallamaan caabuqyada: Qofka cuna miraha babaayga wuxuu ka badbaadaa fayrasyada iyo cudurrada ay sidaan.

Daraasado ahaa muujiyay in miraha babaayga ay ku jiraan maaddooyin dhaliya sunta la dagaallanta fayraska.

* Waxay ilaaliyaan kalyaha: Shaqada kalyaha ayay xoojiyaan mirahan, waxayna ka hor tagaan xanuunnada soo wajaha.

Kalyahaaga waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kala shaandheynta caloosha iyo saariska qashinka ee jirkaaga.

* Waxay ka hor tagaan kansarka: nafaqooyinka badan ee ku jira iyo fududeynta dheef shiidka awgiis, waxay miraha babaayga difaacaan xanuunno horseeda kansarka caloosha.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in sidoo kale miraha madow ee babaayga ay ka hor tagaan kansarka ku dhaca mindhicirrada.

* Waxay xoojiyaan dheef shiidka: Sida miraha iniinyaha ee khudaarta kale, miraha babaayga waxay iyaguna leeyihiin fiber qofka ka caawiya inuu hormaro hannaankiisa dheef shiidka.

Khubarada caafimaadka waxay si joogto ah ugu taliyaan in qof walba uu xoojiyo fiber-ka jirkiisa gala si uu dheef shiidka u hagaago.

Khasaaraha suuragalka ah

Inkastoo faa’iidooyin badan lagu sheegay miraha babaayga, waxaa dhanka kale laga qaadi karaa dhowr arrimood oo caafimaad darro ah.

* Dhalmada oo yaraata: Mid ka mid ah qodobbada aad loo xuso waa in qofka isticmaala mirahan uu wajihi karo hoos u dhac dhanaka taranka ah.

Arrintan ayaa lagu ogaaday daraasado lagu tijaabiyay xayawaanno. Laakiin wali waxaa loo baahan yahay daraasad bani’aadanka lagu sameeyo si arrintan loo xaqiijiyo.

* Inaan cadad badan laga cunin: Tiro aad u badan oo miraha babaayga ah waxay horseedi karaan caafimaad darro keeneysa cudurro halis ah.

Cabdisa kale ee laga qabo waa inay mirahan ku jirto sun saameyneysa unugyada jirka.

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed