Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar dad isku qoys ah lagu dilay oo ka dhacay Galgaduud

Weerar dad isku qoys ah lagu dilay oo ka dhacay Galgaduud



Weerarka oo lagu dilay Saddex Ruux oo isku qoys ahaa ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Garasle oo Dagmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud u jira masaafo dhan 100km dhanka galbeed .

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Saddex Ruux ay ugu tageen Gurigooda sidaasina ay ku dileen, iyaga oo baxsaday maleeshiyaadkii hubeysnaa ee falkaasi geeysatay.

Dad ku sugan degmada Balanballe ayaa waxaa ay sheegeen in dhacdadaan lala xiriirinayo dilal aanooyin qabiil ah oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga degmada Balanballe ee Waqooyga Gobolka Galgaduud.

Meydadka saddex Ruux oo kala ah laba Wiil oo Walalale ah iyo Gabar ay Abti u ahaayeen ayaa waxaa la geeyay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo la filayo in saacadaha soo socda lagu Aaso.

Weerrarka dadka isku qoys ah lagu dilay ee ka dhacay duleedka degmada Balanballe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor degaanka Haraale  oo hoostaga Balanballe lagu dilay hal Ruux todobo kalena lagu dhaawacay



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...