Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo



Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degmada Ceewaaq, waxaana halkaasi ka dhacayd daagal xoogan.

Dadka degmada qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac balse aysan biixn Karin faah fahino dheeraad ah.

Sidoo kale dadka degmada waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa Warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay askar uu kujiro Sarkaal laba Xiidgle Kenyan ah, wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin Al shabab la weeraray.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...