Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar Lago Qaaday Saldhig Dhawaan Loo Dhisay Ciidamada Kenya

Weerar Lago Qaaday Saldhig Dhawaan Loo Dhisay Ciidamada Kenya

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taalla ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bar, ciidamada ammaanka Kenya ayaana sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday.

Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada Kenya uu dhexmaray dagaal socday ku dhawaad 15-daqiiqo, wuxuuna dagaalka ka dhacay xero ku taalla deegaanka Elram ee dhaca magaalada Ceelwaaq.

Rono Bunei oo ah taliyaha booliska gobolka waqooyi bari ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka, sidoo kalana ay iska caabin ku sameeyeen kooxo soo qaaday weerar uu ku sheegay arbushaad.

“Dadka deegaanka waxaan ka codsaneynaa iney nagala shaqeeyaan sidii aan u ciribtiri laheyn kooxdaan waalan,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Waxaan rajeyneynaa iney ciidamada xoojin doonaan feejignaanta”

Xerada ay weerareen dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa la sheegay in dhawaan la dhisay balse deegaankaas ay dhawr jeer weeraro khasaare kala duwan geystay ay ku qaadeen

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed