Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay Shabeellaha Hoose



Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar jidgal ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, xilli ay marayeen deegaanka Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ay fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khsaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sidoo kalena ay qabsatay saanad, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda ee la weeraray lagu soo warramayaa inay sii wateen socdaalkooda.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada isaga kala gooshayaan gobollada dalka.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...