Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar lagu qaaday Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Weerar lagu qaaday Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee kamid ah AMISOM ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saldhigyada weerarka lagu qaaday oo ku kala yaalla deegaanada Qooqaani iyo jasiiradda Kudhaa ee Jubbada hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Dadka deegaanada Qooqaani iyo jasiiradda Kudhaa ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana ay jiraan qasaaro dhaawac ah oo dad rayid ah kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin dagaaladaas, hayeeshee saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab, haatana ay socdaan howlgallo lagu baadi goobayo.

Saldhigyada Degaano iyo degmooyon ka tirsan Gobolka Jubbada ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro ay ku qaadaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada Kenya dhankooda ay madaafiic ku jawaabaan.

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed