Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka...

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Puntland

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Puntland ee kusugan Saldhigga Af-urur ay dhankooda tiro madaafiic ah uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo dhankooda kuqoray Baraha Internet-ka ee taageera  warar ay ku sheegeen inay madaafiicda la heleen Gudaha Saldhiga, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

laamaha Amniga Gobolka Bari weli sirasmi ah ugama hadlin weerarka madaafiicda ah, balse waxaa xusid mudan in dhowr jeer weerar toos ah lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur ee Gobolka Bari

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed