Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Weeraro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

Weeraro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo



Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weeraro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda kadib markii weerar bambaano lagu qaaday saldhiga Booliska degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano kadib uu dhacay dagaal dhex-maray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaxda oo iska caabiyay, sidoo kale uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.

Dhinaca kale Bam Gacmeed ayaa lagu weeraray  isgoyska Boqoleyda oo ka mida Xaafada Bardaale ee Magaalada Baybadho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka weerarkaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamada Bamka lagu weeraray ay ku geeriyoodeen laba ruux halka 5 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada ay saakay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...