FB IMG 1637554754926 - Wardeeq news

Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho xalay  ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinta ku dhaqan Degmada Kaaraan

Wararka ayaa sheegaya in wiilkaan dhilinyarada ah lagu Toogtay Gurigiisa oo ku yaal xaafada Jamhuuriya Ee Degmada kaaraan

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka wiilkaan oo lagu magacaabo Muqtaar Yalaxow

Waxaana dilka kadib goobta iskaga baxsaday ragii dilkaasi ka dambeeyay kuwaasi oo marxuunka Dhowr Xabadood ku dhuftay

Dilka marxuun muqtaar ayaa waxa ay wararku sheegaya in dilka ay u geysteen rag burcad ah oo doonayay in ay dhac ugeystaan

Wali laamaha Amniga Dowladda ka hadlin dilka wiilkaan oo dabley hubeysan ay xalay ku toogteen xaafada Jamhuuriya

Maalmihii dambe ayaa waxa Magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka qorsheysan iyo falalka amnidaro

Waxaana laamaha aminiga Dowladdu ay sheegeen in si deg deg ah ay wax uga qabanayaan Amni Xumada Ka Jirta Caasimada

Verified by MonsterInsights