cabdirisaaq - Wardeeq news

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wiil dhalinyaro ahaa oo xalay lagu dilay Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Daarusalaam ee magaaladda baydhabo.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa dilay wiilka dhalinyaradda ahaa oo magaciisa lagu soo koobay C/risaaq kaas oo guddoomiye ka ahaa xaafadda daaru-Salaam oo ka mid ah xaafadaha magaaladda Baydhaba.

Ragii dilka geystaya aya isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta laga qaaday meydkiisa.

Dhanka kale weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa lagu qaaday guriga uu magaaladaas ka degan yahay wasiirka arrumaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi.

Verified by MonsterInsights