Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xaaladda guud ee magaalada Marka oo saaka deggan

Xaaladda guud ee magaalada Marka oo saaka deggan

Xaaladda guud ee magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka deggan, kadib dagaal saacadihii lasoo dhafiy ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October Gaashanle Cabdiraxiin Maxamed Muunye oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana Al-Shababa ay ka dileen ku dhowaad 5 xubnood, kana dhaawacmeen 10 kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan wadaan howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaallo xeebeedka Marka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...