Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xagee laga keenay hubkii badnaa ee ciidanka Puntland ay maanta gacanta ku...

Xagee laga keenay hubkii badnaa ee ciidanka Puntland ay maanta gacanta ku dhigeen?

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen hub si qarsoodi ah lagu soo geliyey deegaano ka tirsan maamulkaasi, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag.

Hubkan oo doon lagu keenay ayaa laga soo dajiyey xeebta deegaanka Ceelaayo ee gobolkaasi, waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in hubkaasi laga keenay dhinaca dalka ay dagaalladu la dageen ee Yemen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan hubkaasi, dadka waday iyo sidoo kale cida loo waday.

Booliiska Puntland ayaa haatan la wareegay hubkaasi, iyada oo illaa hadda aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo shacabka.

Puntland ayaa horey hub fara badan oo qaarkood loo siday kooxda Al-Shabaab ku qabatay gudaha maamulkaasi, kadib ay howl-gallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka amniga.

RELATED ARTICLES

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Tirada;- Gabdhaha Soomaalida ee lagu la’yahay Nairobi oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkooda lacag badan oo...

Koox- wadada Maka Al-Mukarama ka billaabay dhac ku cusub Muqdisho

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo...

Facebook Feed

Twitter Feed