Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Xasan Sheekh oo markale digniin kasoo saaray arrimaha ciidamada

Xasan Sheekh oo markale digniin kasoo saaray arrimaha ciidamada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramayey wariyeyaasha ayaa markale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka doorashooyinka iyo arrimaha ciidamada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay marar badan ku cel-celiyeen digniinta ku aadan in aan la siyaasadeyn ciidamada, balse la arkay wixii dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay iska diidaan wax-kasta oo ka hor imaanaya Dastuurka.

”Aniga dhowr jeer waan ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada, waana aragteen wixii dhacay, waxaana ku mahadsan Ciidamadii diiday in loo adeegsado wax aan Dastuurka ogoleyn, waxaana ugu baaqayaa Ciidamada inay iska diidaan waxkasta oo ka hor imaanaya Dastuurka,” madaxweyne horee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay muhiim tahay in wax weliba lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, isla-markaana laga wada-tashado aayaha dalka iyo bad-baadadiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Muqdisho ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa kale oo ka horyimid muddo kordhinta labada sano ah ee loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed